Saturday, September 26, 2015

XAALUFINTA DHIRTA IYO XAALADDA DHUXUSHA SOOMAALIYA


Dekedda Baraawe
Marka aan soo hadal qaadno aafooyinka dagaalada sokeeye u geeysteen wadankeena waxa ugu muhiimsani waa xaalufinta dhirta iyo nabaad guurka deegaanka. Naso beelka iyo rajo la’aanta ku dhacday dad iyo duunyaba waxeey sidoo kalena ku dhacday deegaanka, ganacsato Soomaaliyeed oo aan damiir wanaagsan laheeyn kana naxeeyn mustaqbalka jiilkan joogo iyo kan berriba ayaa uga ganacsatay dhirtii wadanka sida sharciga ka baxsan. Dhulka Soomaaliya oo aad ugu nugul nabaad guurka sababtuna tahay isagoo cimilo ahaan lamadagaan xigeen ah roobkuna ku yaryahay ayaa haddana waxaan loo aabo yeelin jarista dhirta nuucyada ugu muhiimsan ee wadanka ka baxo taas oo sababta in carada kore ee nafaqada leh aay dabeesha iyo cagta noolaha kale ku sameeyaan nabaad guur si sahlan.
Dadka Soomaaliya 62% waxaa lagu qiyaasaa xoolo dhaqato waxaadna dareemi kartaa muhiimadda aay u leedahay ilaalinta dhirta iyo deegaankaba maadaama nolosha dadka Soomaaliyeed saddax meelood labo meel si toos ah ugu xirantahay noloshooda, intakalena si aan toos aheeyn iyagana ugu xiranyihiin.

Taariikhda markii ugu horeeysay 1928-dii waa markii ay bilaabatay diyaarinta dhuxusha waxaana hindisaheeda lahaa gumeestihii Talyaaniga oo dhuxushaas shidaal ahaan ugu isticmaali jiray gaadiiidkiisa. Maamulkii Ingiriiska ee Talyaaniga kala wareegay maxmiyaddii Soomaaliya wuxuu shatiyo ganacsi siiyay shirkado Soomaali ah oo gaarayo ilaa 17, waxaana dhuxushii ugu horeeysay laga dhoofiyo Gobolka Banaadir 1946dii wuxuuna gumeeystuhu oo ogaal jiray ganacsatada in ay dhoofiya xaddi mucayan ah sanadkiiba. Mudadii xornimada 1960 ilaa 1969 waxaa lagu qiyaasay shirkadaha la siiyay shati ganacsi 74 shirkadood, markii Kacaanki la wareegay xukunka waa sii bateen waxaa Gobolka Banaadir kaliya heeystay shati ganacsi 114 shirkadood. Dowladdii Maxamed Siyaad Barre hogaaminayay waxeey mar dambe soo rogtay mamnuucidda dhoofinta dhuxusha waxeeyna wacyigalin u sameeysay dadkii ku hoowlana. Sanadihii 1974 ilaa 1978 waxeey Dowladdii kacaanka siisay ahmiyad xoogan dhoowrista deegaanka iyo duurjoogtaba waxeeyna xoojisay Hey’adihii kushaqada lahaa daaqa qaranka.
Burburki Soomaaliya shirkadaha dhuxusha ka ganacsada ee sameeysmay waxaa lagu qiyaasa 680 shirkadood oo 38 kamid ahi dhoofiyaan dhuxusha.  Laga soo bilaabo 1997 ilaa 2002 dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyay waxaa lagu qiyaasaa 800,000mt ilaa 1,000,000mt sanadkiiba waxaana laga dhoofiyay dhuxushaas Kismaayo, Hobyo, Muqdisho, Bari, Baraawe iyo Ceel-Cadde waxaana loo dhoofiyaa wadama Sudaan, Khaliijka iyo Cumaan ay ka mid yihiin oo u isticmaala in ay ku kulaalaan badeecada ama Shiishadda ay cabaan iyo cunto karinta.
Celcelis ahaan xaabada dadka Soomaaliyeed miyi iyo magaalaba ku shitaan waxaa lagu qiyaa 400,000 mt sanadkiiba, waxeeyna noqoneeysa tirada dhuxusha gudaha lagu isticmaalo iyo tan la dhoofiyo celcelis ahaan 1,200,000mt sanadkiiba, waxaana la jaraa 12,000,000 oo geed sanadkiiba.

Waxyaabaha sababa lamadagaanka
Ugu yaraan kalabar keeymaha adduunka waxa la dhirtii laga jaray lagana dhigay lamadagaan 10,000 sano oo lasoo dhaafay, waxaana cadadka ugu badan dhirtaa la xaalufiyay 50-kii sano ee lasoo dhaafay. Sanad kasta dhulka dhirta la xaalufiyo (Deforestation) wuxuu la egyahay 13.7 Milyan oo hektar (hectares). Waxyaaba loo isticmaalo keeymaha iyo dhirta la xaalufiyay waxaa ka mid ah; (1) Beeraha (Agriculture); Beeraha waa kuwa ugu horeeya ee sabab in keeymaha lagubo lana xaalufiyo si loogu diyaariyo beerashada. Uruka u xilsaaran quruumaha midoobay isbadalka Cimilada iyo katala bixinteeda ee (UNFCCC) wuxuu leeyahay; (i) Beeraleeyda yaryar ee aan badana ganacsi u isticmaalin beerashadooda ee keymaha adduunka guba ama jara waa 48% (Subsistence farming), (ii) Beeraleeyda ganacsatada ah waxeey jaraan dhirta adduunka 34% (commercial agriculture), (iii) Ganacsata ka ganacsata Tiirarka, qalabka dhismaha IWM waxeey keeymaha jaraan 14% (Logging deforestation), (iv) 5% waxaa loo jaraa dhirta adduunka in laga helo xaabo ( fuel wood or firewood deforestation). (2) Deegaameeynta (Settlements); Waxaa adduunka kusoo badanaya koritaanka bini aadama iyo kobaca magaalooyinkaba, waxaana si loo helo deegaan la xaalufiyaa lama degaanna laga dhigaa dhul aad u baaxad weeyn. (3) Carro guur ama Nabaad guur (Soil erosion); Carra guurku waxaa sababa Abaaraha, Kobaca adduunka ee dhul beereedka iyo Dhirta oo lajaro si kastaba ha ku timaadee, waxaana deegaanadaas qabsado Carro buuro noqdo oo aan deegaan iyo tacbashaba ku fiicneeyn.

Dhirta laga jaro dhuxusha
Dadka dhuxusha diyaariyaa uma aabo yeelaan geedaha waxeeyna jiridda ka jaraan geed kasta oo ay isleeyihiin dhuxul ayuu noqon karaa haba ugu badnaadeen geedaha leeysku yiraando geed qodxeedka (Acacia Species) waxaana jiridda hoose laga jaraa geedo aad u farabadan si loo diyaariyo dhuxul aad u badan. Xilayadii wadanka ay ka jireen maamulka iyo kala dambeeynta waxaa loo ogolaa ganacsatada dhuxusha in geedaha ay ka jaraan laamaha si markale looga faa’ideeysto geedka haddase sharcigaasi majiro kaaga darane waxaa la keenay Mashiino loo isticmaalo jarista geedaha oo halkii maalin lagu jari karo 2-4 geed halka waagii hore qofka ka shaqeeyo dhuxusha ku qaadan jirtay diyaarinta iyo googooynta halgeed muddo 5-7 maalin ah badanaa. Geedaha ugu wanaagsan dhuxushana laga diyaariyo waxaa ka mid ah; Qansax; Qurac, Jiiq, Galool, Sarmaan iyo geedo kale oo badan, nasiib darro waxaa dhacday markii laga dhameeyay geedihii dhuxusha in lajaray geed miroodkii sida Cambaha waxaana la sheegaa in ay ka dhacday Gobolka Shabeellada Hoose dhacdadani.

Inkastoo dowladda federaalka ee Soomaaliya mamnuucday kagancsiga iyo dhoofinta dhuxusha haddana waxaa si sharci darro ah looga dhoofiyaa magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe, waxeeyna dowladdu xirtay maamulka Baraawe sababo la xiriiray dhoofinta dhuxusha sanadkii hore.
Dekadda Barawe ayaa waxaa ku riseeysan dhuxul badan oo lagu shiraacay baco ka celiya qoraxda iyo roobkaba waxaana ku yimid burbur maadaama ay muddo tiilay dekadda mana ahan mid gali garto dhoofin xitaa haddey dowladdu fasaxdo sidoo kalena looma rari karo meel kabaxsan Baraawe sida dadka lihi sheegayaan qaarkood waayo kama bixi karto safar waxeeyna u nuglaatay burburitaan.

Ilaalinta deegaanka waxa  ay manaafacaad u leedahay noolaha oo idil, sida uu ibnu aadamku uga hayaamo dhulka lama dagaanka noqdo si la mid ah ayay duur joogtana uga hayaantaa. Xukuumaddii Maxamed Siyaad markeey burburtay dad iyo duunyaba waxa laga qaxay shanqarta xabbadda iyo madaafiicda waxaana tiro badan oo duurjoogtii Soomaaliya galeen wadamada dariska ah, wixii kasoo haray ee keeymaha ku dhuuntayna waa looga daba tagay oo laga xaalufiyay dhirtii iyo keeymihii ay ku noolaayeen ha ahaadeen dugaag, shimbiro iyo xamaarataba. Inkastoo dowladda federaalka ahi iyo maamul goboleedyada qaarkood soo rogeen mamnuucidda jarista dhirta haddana ma jirto awood muuqato oo looga hortagi karo dhibaatadaas lagu hayo dhirta Soomaaliya. Xaaladda wadanku ku suganyahay iminka ma jirto awood ay u leeyihiin hey’adaha u xilsaaran deegaanka iyo duurjoogta xakameeynta xaalufinta lagu hayo dhirta sababtoo ah doowladdii dhexe ee wadanka oo aan awood caga badan laheeyn.

Samatar, Dekadda Barawe








W/Q: Elmi H Samatar
E-Mail: samatar2020@hotmail.com
Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment

Amateur Doctors Compromising the Life of the Neonates in Somalia

I become obsessed when I saw unexpectedly what has looked a “perplexing” to me circulating on social media! It was a baby born dangling the ...