Marka aan soo hadal qaadno aafooyinka
dagaalada sokeeye u geeysteen wadankeena waxa ugu muhiimsani waa xaalufinta
dhirta iyo nabaad guurka deegaanka. Naso beelka iyo rajo la’aanta ku dhacday
dad iyo duunyaba waxeey sidoo kalena ku dhacday deegaanka, ganacsato
Soomaaliyeed oo aan damiir wanaagsan laheeyn kana naxeeyn mustaqbalka jiilkan
joogo iyo kan berriba ayaa uga ganacsatay dhirtii wadanka sida sharciga ka
baxsan. Dhulka Soomaaliya oo aad ugu nugul nabaad guurka sababtuna tahay isagoo
cimilo ahaan lamadagaan xigeen ah roobkuna ku yaryahay ayaa haddana waxaan loo
aabo yeelin jarista dhirta nuucyada ugu muhiimsan ee wadanka ka baxo taas oo
sababta in carada kore ee nafaqada leh aay dabeesha iyo cagta noolaha kale ku
sameeyaan nabaad guur si sahlan.
Dadka Soomaaliya 62% waxaa lagu
qiyaasaa xoolo dhaqato waxaadna dareemi kartaa muhiimadda aay u leedahay
ilaalinta dhirta iyo deegaankaba maadaama nolosha dadka Soomaaliyeed saddax
meelood labo meel si toos ah ugu xirantahay noloshooda, intakalena si aan toos
aheeyn iyagana ugu xiranyihiin.
Taariikhda markii ugu horeeysay
1928-dii waa markii ay bilaabatay diyaarinta dhuxusha waxaana hindisaheeda
lahaa gumeestihii Talyaaniga oo dhuxushaas shidaal ahaan ugu isticmaali jiray
gaadiiidkiisa. Maamulkii Ingiriiska ee Talyaaniga kala wareegay maxmiyaddii
Soomaaliya wuxuu shatiyo ganacsi siiyay shirkado Soomaali ah oo gaarayo ilaa
17, waxaana dhuxushii ugu horeeysay laga dhoofiyo Gobolka Banaadir 1946dii
wuxuuna gumeeystuhu oo ogaal jiray ganacsatada in ay dhoofiya xaddi mucayan ah
sanadkiiba. Mudadii xornimada 1960 ilaa 1969 waxaa lagu qiyaasay shirkadaha la
siiyay shati ganacsi 74 shirkadood, markii Kacaanki la wareegay xukunka waa sii
bateen waxaa Gobolka Banaadir kaliya heeystay shati ganacsi 114 shirkadood.
Dowladdii Maxamed Siyaad Barre hogaaminayay waxeey mar dambe soo rogtay
mamnuucidda dhoofinta dhuxusha waxeeyna wacyigalin u sameeysay dadkii ku
hoowlana. Sanadihii 1974 ilaa 1978 waxeey Dowladdii kacaanka siisay ahmiyad
xoogan dhoowrista deegaanka iyo duurjoogtaba waxeeyna xoojisay Hey’adihii
kushaqada lahaa daaqa qaranka.
Burburki Soomaaliya shirkadaha
dhuxusha ka ganacsada ee sameeysmay waxaa lagu qiyaasa 680 shirkadood oo 38
kamid ahi dhoofiyaan dhuxusha. Laga soo
bilaabo 1997 ilaa 2002 dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyay waxaa lagu qiyaasaa
800,000mt ilaa 1,000,000mt sanadkiiba waxaana laga dhoofiyay dhuxushaas Kismaayo,
Hobyo, Muqdisho, Bari, Baraawe iyo Ceel-Cadde waxaana loo dhoofiyaa wadama
Sudaan, Khaliijka iyo Cumaan ay ka mid yihiin oo u isticmaala in ay ku
kulaalaan badeecada ama Shiishadda ay cabaan iyo cunto karinta.
Celcelis ahaan xaabada dadka
Soomaaliyeed miyi iyo magaalaba ku shitaan waxaa lagu qiyaa 400,000 mt
sanadkiiba, waxeeyna noqoneeysa tirada dhuxusha gudaha lagu isticmaalo iyo tan
la dhoofiyo celcelis ahaan 1,200,000mt sanadkiiba, waxaana la jaraa 12,000,000
oo geed sanadkiiba.
Waxyaabaha
sababa lamadagaanka
Ugu yaraan kalabar keeymaha adduunka
waxa la dhirtii laga jaray lagana dhigay lamadagaan 10,000 sano oo lasoo
dhaafay, waxaana cadadka ugu badan dhirtaa la xaalufiyay 50-kii sano ee lasoo
dhaafay. Sanad kasta dhulka dhirta la xaalufiyo (Deforestation) wuxuu la
egyahay 13.7 Milyan oo hektar (hectares). Waxyaaba loo isticmaalo keeymaha iyo
dhirta la xaalufiyay waxaa ka mid ah; (1) Beeraha (Agriculture); Beeraha waa
kuwa ugu horeeya ee sabab in keeymaha lagubo lana xaalufiyo si loogu diyaariyo
beerashada. Uruka u xilsaaran quruumaha midoobay isbadalka Cimilada iyo katala
bixinteeda ee (UNFCCC) wuxuu leeyahay; (i) Beeraleeyda yaryar ee aan badana
ganacsi u isticmaalin beerashadooda ee keymaha adduunka guba ama jara waa 48%
(Subsistence farming), (ii) Beeraleeyda ganacsatada ah waxeey jaraan dhirta
adduunka 34% (commercial agriculture), (iii) Ganacsata ka ganacsata Tiirarka,
qalabka dhismaha IWM waxeey keeymaha jaraan 14% (Logging deforestation), (iv)
5% waxaa loo jaraa dhirta adduunka in laga helo xaabo ( fuel wood or firewood
deforestation). (2) Deegaameeynta (Settlements); Waxaa adduunka kusoo badanaya
koritaanka bini aadama iyo kobaca magaalooyinkaba, waxaana si loo helo deegaan
la xaalufiyaa lama degaanna laga dhigaa dhul aad u baaxad weeyn. (3) Carro guur
ama Nabaad guur (Soil erosion); Carra guurku waxaa sababa Abaaraha, Kobaca
adduunka ee dhul beereedka iyo Dhirta oo lajaro si kastaba ha ku timaadee,
waxaana deegaanadaas qabsado Carro buuro noqdo oo aan deegaan iyo tacbashaba ku
fiicneeyn.
Dhirta laga
jaro dhuxusha
Dadka dhuxusha diyaariyaa uma aabo
yeelaan geedaha waxeeyna jiridda ka jaraan geed kasta oo ay isleeyihiin dhuxul
ayuu noqon karaa haba ugu badnaadeen geedaha leeysku yiraando geed qodxeedka
(Acacia Species) waxaana jiridda hoose laga jaraa geedo aad u farabadan si loo
diyaariyo dhuxul aad u badan. Xilayadii wadanka ay ka jireen maamulka iyo kala
dambeeynta waxaa loo ogolaa ganacsatada dhuxusha in geedaha ay ka jaraan
laamaha si markale looga faa’ideeysto geedka haddase sharcigaasi majiro kaaga
darane waxaa la keenay Mashiino loo isticmaalo jarista geedaha oo halkii maalin
lagu jari karo 2-4 geed halka waagii hore qofka ka shaqeeyo dhuxusha ku qaadan
jirtay diyaarinta iyo googooynta halgeed muddo 5-7 maalin ah badanaa. Geedaha
ugu wanaagsan dhuxushana laga diyaariyo waxaa ka mid ah; Qansax; Qurac, Jiiq,
Galool, Sarmaan iyo geedo kale oo badan, nasiib darro waxaa dhacday markii laga
dhameeyay geedihii dhuxusha in lajaray geed miroodkii sida Cambaha waxaana la
sheegaa in ay ka dhacday Gobolka Shabeellada Hoose dhacdadani.
Inkastoo dowladda federaalka ee
Soomaaliya mamnuucday kagancsiga iyo dhoofinta dhuxusha haddana waxaa si sharci
darro ah looga dhoofiyaa magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe, waxeeyna dowladdu
xirtay maamulka Baraawe sababo la xiriiray dhoofinta dhuxusha sanadkii hore.
Dekadda Barawe ayaa waxaa ku riseeysan
dhuxul badan oo lagu shiraacay baco ka celiya qoraxda iyo roobkaba waxaana ku
yimid burbur maadaama ay muddo tiilay dekadda mana ahan mid gali garto dhoofin
xitaa haddey dowladdu fasaxdo sidoo kalena looma rari karo meel kabaxsan
Baraawe sida dadka lihi sheegayaan qaarkood waayo kama bixi karto safar
waxeeyna u nuglaatay burburitaan.
Ilaalinta deegaanka waxa ay manaafacaad u leedahay noolaha oo idil,
sida uu ibnu aadamku uga hayaamo dhulka lama dagaanka noqdo si la mid ah ayay
duur joogtana uga hayaantaa. Xukuumaddii Maxamed Siyaad markeey burburtay dad
iyo duunyaba waxa laga qaxay shanqarta xabbadda iyo madaafiicda waxaana tiro
badan oo duurjoogtii Soomaaliya galeen wadamada dariska ah, wixii kasoo haray
ee keeymaha ku dhuuntayna waa looga daba tagay oo laga xaalufiyay dhirtii iyo
keeymihii ay ku noolaayeen ha ahaadeen dugaag, shimbiro iyo xamaarataba.
Inkastoo dowladda federaalka ahi iyo maamul goboleedyada qaarkood soo rogeen mamnuucidda jarista dhirta haddana ma jirto awood muuqato oo looga hortagi karo dhibaatadaas
lagu hayo dhirta Soomaaliya. Xaaladda wadanku ku suganyahay iminka ma jirto
awood ay u leeyihiin hey’adaha u xilsaaran deegaanka iyo duurjoogta xakameeynta
xaalufinta lagu hayo dhirta sababtoo ah doowladdii dhexe ee wadanka oo aan
awood caga badan laheeyn.
Samatar, Dekadda Barawe |
W/Q: Elmi H Samatar
E-Mail: samatar2020@hotmail.com
Mogadishu, Somalia