Tixdu (Qodbane) waa wixii kasoo haro
Tiraab (Qubane) isla markaana leh Qaafiyad iyo Ridmo. Suugaan kasta waxeey
leedahay lagana rabaa in laga helo toddobo (7) hab-dhac oo maansada Soomaalidu
ay leedahay. Abwaankii 7-da #hab_dhac laga waayo maansada uu tirayay ma ahan
maanso ee waa tiraab. 7-da hab-dhac ee Maansada Soomaalida oo tix kastaa
leedahay Abwaankana laga rabo in uu waafajiyo Maansadiisa waxaa ka mid ah;
#Ekeeyn, #Qofeeyn, #Makuubid, #Xus, #Astaameeyn, #Yaxmeerin, iyo #Buunbuunin.
Waxaa soo qaadaneeynaa #HAB-DHAC kasta iyo
tusaalahiisa si loo fahmo waxaa 7-da hab-dhac kala yihiin;
1. #Ekeeyn; Nuuca Maansada ekeeyntu waa #Shabbaha sida
heestii aheed;
-
Haddaad
maqantahay,
-
Magaalada
dhami,
-
Mugdi
weeyo,
-
weey
madoowdee.
Ama heestii aheeyd
-
Sida
geed caleenliyo - Oo
godon Barwaaqo ah
-
Ubax
guudka qariyeen - Durdur
aan gureeyniyo
-
Oo
gooni laamaha -
Gacan Webi ku yaalaa
-
Eey
midiba geesteed - Oon
gu’ iyo jiilaal
-
Hoobaan
isgaadhiyo - Midab
guurin baa tahoo
-
Guntin
miro ah leedahay - Gabaryahay
kalgacalbaan
-
Oo
soo gandoodoo -
Goortaan ku eegaba
-
Galka
faraqa soo daray -
Qalbigeeyga galisaa
2. #Qofeeyn; Qofeeyntu waa sheey nool ama aan nooleeyn oo
sidii qof loola hadlo. Tusaale ahaan Gabayga #FIIN
-
Fiinyahay
adaa olalayoo, oohin ciirsday e
3. #Makuubid; Makuubid waa gabay ama maanso tilmaameysa
#Sifaad gaar ah oo sheey leeyahay. Tusaale, dhaqanka Soomaalida;
- Soomaalina
macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e
- Oo waa hiddaha
noo macaan, malab siddiisiiye
- Mar kastana ma moogaano
ee, wuu naga dhex muuqdaaye
4. #Xus; Xusku waa wax horay u dhacay oo la is
xasuusiyo lana sheego, Tusaale ahaan Gabigii Guuguulayahow;
-
Giddigood
addoomaha waxaa gaadhey nabar weyne
-
Abaar
gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale e
5. #Astaameeyn; Waa raadka isla qofka tirinayo maansadu ay
ku leedahay ama maanso laga allifay qofkale Tusaale ahaan
-
Waxaan
tabayo mooye qalbigu, weey walhanayaaye
6. #Yaxmeerin; Yaxmeeriddu waa maanso Sarbeeb ah. Tusaale
ahaan Gabigii Likaaco ee ahaa;
-
Nimaan
lugi jabnayn baan ahiyo, xoogga laawyaduye
-
Hayeeshee
laxaad uma socdee, laangadhaan ahaye
-
Madaxiyo
laabteey fayoow, oo xiskeey ladane
-
Waxse
kuma lilloobaane waan, garasho liitaaye
7. #Buunbuunin;
Waa Maanso xadka bixin ah. Tusaale ahaan heestii Hablaha Geeska Afrika lagu
buunbuuniyay ee aheeyd;
-
Gabigeed
adduunyada - Hablo talada
gooyn kara
-
Gobol-gobol
u qaadoo - Garta madal ka
niqi kara
-
Hablo
weerar geli kara -
Garashana iskaga mida
-
Hablo
geela dhicin kara -
Quruxdana ka wada gob ah
-
Hablo
geesi dili kara -
Geestena mooyee
-
Gobonimana
hanan kara - Gayi kale ma
joogaan
W/D: Elmi H Samatar
Mogadishu, Somalia