Friday, October 23, 2015

INTUU MURUQ SHAQEEYN LAHAA MAAN HA SHAQEEYO

Dadku waxeey dhahaan Abwaan Maxamuud Cabdullahi Sangub dadka waa ka horeeya xagga fikirka, malaheeyga waxaa iila daliil ah heesta uu isagu sameeyay ee Cabdi Cali Bacalwaan ku luuqeeyo ahna qeeyb #JACEEYL lana qabtay taariikh ahaan 8 June 1968 kuna magacaabay WALALAC BEENEY moodana in ay sifeeyneeyso Soomaalida maanta, kuna bilaabata;

- Wadda qura maraay
- Iswey daarsaneey
- Is wadaajiyaay
- Isma waheshatooy
- Waaxyo iskuyaleey
- Kala weecsaneey

Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ku wanaagsan is walaashiga, is weheshiga iyo is taakuleeyntaba haddana waxeey isku leeysaa kuna kala tagtaa wax aan micno adduun oo buuran aan laheeyn laguna xalin lahaa qaab is qoonsi ka fog kana fudud. Sida miraha Abwaanka ka muuqata waa dad is wanaajiya haddana kala weecsan had iyo jeeraale malaheeygana laga yaabee in Abwaanku siyaasad ula dan lahaa weedhahiisa.

Waxaan ku dhihi lahaa Soomaalida dhamaan INTUU MURUQ SHAQEEYN LAHAA MAAN HA SHAQEEYO. Halka aan maanta joogno iyo dunida waa kaaf iyo kala dheeri haddana waxaan nahay dad isla qab weeyn mararka qaarna aadan moodin dad wax ka qaldanyihiin dunidana ku habsaamay dhankasta ooy ahaataba. Halka maanta dunida ku talaabsaday tiigsigeed Siyaasiyiinta Soomaalida kama muuqato, waxeeyna ku mashquulsanyihiin badankood wax rajo beel ku ah umad weeynta Soomaaliyeed.

Waa lama huraan in lahelo dad himilo leh sababi karana horu u kac iyo hammi wanaagsan, waayo mujtamaca Soomaalida ma ahan dad cuqdad badan waana umad awood u leh hilmaami karana wixii ay hoggaamiyayaashii dhaqanka iyo damiirka xumaay ku sameeyeen dhaxdooda. Ugu dambeeyn qof walba ha is hagaajiyo waayo danta guud ayaa ku xiran qaasatan dadka xil doonka ah.

Salaama.

Elmi Samatar

Amateur Doctors Compromising the Life of the Neonates in Somalia

I become obsessed when I saw unexpectedly what has looked a “perplexing” to me circulating on social media! It was a baby born dangling the ...